
Stockholm stad
Adeegga daryeelka guriga
Haddii aad weli gurigaaga ku nooshahay oo ay kugu adagtahay in aad maareyn u baahdo nolol-maalmeedka, waxaad caawimaad u codsan kartaa sida waafaqsan sharciga iswiidhan ee adeegyada bulshada. Si aad u hubiso, in aad xaq u leedahay adeegyada guriga lagu daryeelo ama caawimaad kale, waa inaad codsataa adeegyada sooshalka ee degmada. Degmada waxaa ku qasbana inay codsigaada soo baarto.
La xiriir degmada aad ka diiwaangashan tahay. Kadibna ka codso adeegyada daryeelka guriga foomka codsigooda.
Kadibna waxaad la kulmi doontaa sarkaal caawimaad, kaas oo ku siinaya fursad aad ku sharraxdo nooca caawinaada iyo taageerada aad u baahantahay. Markaas kadibna sarkaalka caawimaadda ayaa dib u eegis ku sameynaya codsigaada go'aanna ka gaaraya. Ayaa go'aanka markaa laguu soo dirayaa adiga.
Waxaad hadda dooran kartaa adeeggaaga adeegga guriga. Waxaad kala dooran kartaa adeegyada daryeelka guriga ee degmada iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Ku wargeli gargaarkaaga adeegga kaas oo aad dooratay. Ka dibna goʼaankaaga waanu heli doonnaa.
Dabadeedna waanu kula xiriiraynaa si aanu kuu qorshayno sida aad u doonayso in gargaarkaaga iyo taageeradaada la abaabulo.